Taliyaha Booliiska Gobolka Bari oo kormeeray saldhigyada Carmo iyo Ceeldaahir

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Saldhigyada Magaaloyinka Carmo iyo Ceeldaahir oo ka tirsan Gobalka Bari.

Taliyaha waxa kormeerka ku wehlinaayay Taliyaha Daraawiishta Silsilada Golis G/Sare Siciid Nuur Shire iyo Duqa Degmada Carmo Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Farax.

Taliye Xuseen, ayaa kulan looga hadlayey dardar gelinta Ammaanka la qaatay Gudoomiyaha Carmo Ciidamada Daraawishta,iyo Booliska.isagoona u sheegay in loo baahan yahay in la sii adkeeyo Amniga,waxaana Ciidanka Booliska iyo daraawiishta uu ku ammaanay inay ku guuleysteen sugiga amniga, waxaana uu kula dardaarmay in la sii dardar geliyo shaqada.

Ugu danbeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa u mahadceliyay Gudoomiyaha Degmada Carmo iyo Taliyaha Saldhiga Carmo oo dib u habeyn ku sameeyay saldhiga Degmada Carmo waxana uu ku amaanay qabka wanagsan ay saldhigaas bilicdiisa uga shaqeyeen.

PUNTLAND POST