Maraykanka oo Arxan-laawayaal ku tilmaamay Taalibaan

Janaraalka ugu sarreeya Ciidamada Mareykanka ayaa kooxda Taalibaan ku tilmaamay inay yihiin “koox arxan daran” isagoo sheegay in aysan kala caddeyn inay is beddeli doonaan iyo in kale.

Janaraal Mark Milley, ayaa sheegay in ay suurta-gal tahay in Mareykanka uu mintidiinta Taalibaan kala kaashado hawlgallada mustaqbalka ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Ciidamada Mareykanka ayaa Talaadadii ka baxay Afghanistan, iyagoo soo afjaray dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka ku qaatay 20 sano, kadib markii ay bilaabeen duulaan ay ku doonayeen inay dalkaasi kaga saaraan Taalibaan.

kooxda ayaa hadda gacanta ku haysa guud ahaan dalka, waxaana la filayaa inay ku dhawaaqaan dowlad cusub.

Howlgalkii ka samata bixinta dadka ee Mareykanku uu ka waday Kabul ayaa soo idlaaday 31-kii Agoosto, waxaana maamulka garoonka diyaaradaha caasimadda Afghanistan ee Kabul gacanta loo geliyey kooxda dalka qabsatay ee Taliban. 

PUNTLAND POST