Hirshabeelle oo si ka duwan maamullada kale ku soo xuli doonta Aqalka Sare

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ballan-qaaday in uu muwaadin walba oo xaq leh, buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo ku soo dari doono liiska musharaxiinta Aqalka sare.

Madaxweyne Guudlaawe oo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ku soo xuli doonin liiska Aqalka Sare nin jeclaysi iyo nin nebcaysi midna, hase ahaatee uu ku soo xuli doono caddaalad.

Wuxuu xusay in go’aanka qofka ka mid noqonaya Aqalka Sare ay leeyihiin Baarlamaanaka Hirshabeelle oo doorasho ku kala saari doona tartamayaasha, wuxuuna ugu baaqay xilhibaannada in ay ku kala xushaan aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Munaasadda uu hadalkan ka jeedyay Guudlaawe waxaa ku sugnaa rag doonaya in ay ka soo dhexmuuqdaan liiska tartamayaasha Aqalka Sare oo la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.

Hoos ka eeg muuqaalka hadalka Guudlaawe.

PUNTLAND POST