Taalibaan ayaa ku bogaadisay ciidamadii caalamiga ahaa ka bixitaankoodii Afghanistan.
Afhayeenka guud ee Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa hadalkan sheegay saacado kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee milateriga Mareykanka ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Kabul.
Mujaahid, mar uu warfidiyeenka kula hadlayey laamiga ay ka duulaan diyaaraduhu, wuxuu u hambalyeeyay reer Afgaanistaan, wuxuuna ku dhawaaqay ka bixitaanka milatariga shisheeye guul ay dhammaantood wada leeyihiin.
Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka waxay ku duuleen dalka Koonfurta Asia ku dhawaad 20 sano kahor, waxayna Taalibaan kala wareegeen Afghanistan.
PUNTLAND POST