Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo amar dul dhigay wasiir Dubbe

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in arrinta la xiriirta bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ay tahay mid si cad loogu xadgudbay nidaamka dowliga iyo shuruucda dalka.

Qoraal uu soo saaray xafiiska Hantidhawrka ayaa lagu caddeeyay in wasiirka warfaafinta Cismaaan Abuukar Dubbe uu maamulka hantida wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsanayn, sidoo kalana aan wax dan ah ugu jirin shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed.

Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa faray wasiir Dubbe in 72 saacadood gudahood ku soo saaro qoraal rasmi ah oo uu ku joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka iyo sidoo kale in uu Hantidhawrka la soo wadaago hadii ay jiraan heshiisyo kale oo dhulalka wasaaradda.

Qoraalka Hantidhawrka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ra’iisul Wasaare Rooble maalin ka hor joojiyey bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, kadib markii abwaanada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed ka horyimaadeen go’aanka uu wasiir Dubbe ku bixiyay dhulkaas.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa warqad ku taariikhaysan 27/06/2021 ugu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in ay makhaayad iyo jardiino lagu nasto ka hirgaliso dhulka dambe ee Tiyaatarka.

Hoos ka akhriso qaraalka Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka

PUNTLAND POST