Maraykanka oo ciidamadiisi u dambeeyay kala baxay Afghanistan

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe ee Kabul.

Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhaawaay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal militari oo qaaday 20 sano.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan xoogaggii ajinabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado kahor ka baxeen dalka. Madaxa diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afghanistan, Ross Wilson ayaa soo raacay duulimaadkii ugu dambeeyay ee C-17.

PUNTLAND POST