Somaliland oo soo dhowaysay Qaxooti Yemeniyiin ah

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa dekedda Berbera ku soo dhowaysay qaxooti Yemeniyiin ah oo ka soo cararay colaadda ka aloosan dalkaas.

177 qof oo qaxooti Yemeniyiin ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Berbera sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Somaliland.

Qaxootiga Yemeniyiinta ah oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkooda ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo gaarayay magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

PUNTLAND POST