Rooble oo joojiyay dhul uu bixiyay Wasiir Dubbe



Ra’iisul Wasaaraha Dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka oo wasiirka warfaafinta u ogolaaday shirkad gaar loo leeyahay.

Rooble ayaa amarkan soo saaray markii maanta abwaanada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Hobolada Waaberi ay ka horyimaadeen go’aanka uu Wasiir Dubbe ku bixiyay dhulka bannaan ee Tiyaatarka Qaranka.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu wasiir Dubbe ku yiri qoraal uu goordhaweyd soo saaray.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warqad ku taariikhaysan 27/06/2021 ugu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in ay makhaayad iyo jardiino lagu nasto ka hirgaliso dhulka dambe ee Tiyaatarka.

PUNTLAND POST