Puntland: Gudiga doorashooyinka oo sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta kulan la yeeshay ururada siyaasadda, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn.

Warkan guddiga ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada qaarkood sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan wakhtigeeda ku dhici karin.

Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada.


Sababaha kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST