Reer Muduggu waxay yiraahdaan “farahayga ayaa oodkac lagu cunay.” Maanta Muqdisho waxaa hadal ka soo saaray abwaanno, fannaaniin iyo laxan sameeyayaal. Waxay diiddanaayeen go’aan dhul ka mid ah Golaha Murtida lagaga dhigi lahaa meel maqaayad laga dhisayo. Dhowr qof ayaa goobta ka halday oo uu Cadikariim Faarax Jiir, laxan sameeye weyn, ka mid yahay.

Hadalka Jiir meesha ka jeediyay aad buu u siyaasadaysnaa. Da’diisa (78 sano) ayuu Cabdikariim Faarax Jiir ku halqabsaday. Abwaannada Meesha ka hadlay waxay raalli ka noqdeen in hortooda loogu gafo guddoomiyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Mudane Cabdulqaadir Cabdi Shube oo uu nin meesha ka hadlay ku tilmaamay qof “go’ Muqdisho la yimid, oo go’ kala bixi doona”.

Hadalka noocaas ah ayay Cabdikariim Faarax Jiir, Cabdi Dhuux iyo rag kale oo Waaberi ka tirsan u riyaaqeen. Abwaanimoy ba’! Shube ma Wasiir baa? Ma milkiilaha shirkadda doonaysay inay maqaayad ka samaysato dhulka Golaha Murtida baa? Waxaan soo xusuustay hadal dhowaan u Sanbaloolshe oo beesha Hawiye guubaabinayay u sheegay idaacad. “Nimankaan niman dalka wixii soo maray og waaye. Faqash qaxday ma aha” ayuu Sanbaloolshe yiri isagoo ka hadlayay Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor (daqiiqadaha 4:09-4:18). Sanbaloolshe afkiisa ayaa caddayn ugu filan. Waa dhagarqabe.

Sanbaloolshe waxaan kula kulmay Garoowe markuu socday shirweyne siyaasiyiinta Soomaalidu ka soo qaybgaleen. Waan ka xumahay in Cabdikariim Faarax Jiir aan la meeldhigo Sambaloolshe oo dhiigga iyo hantida dadka inuu bannaystay qirtay, waana sababta dowladda Biritayn ugu diidday inuu Safiir Soomaaliyeed ka noqdo Qasriga St James xitaa isagoo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Boqorad Elizabeth.

Cabdikariim Faarax Jiir iyo Cabdi Dhuux waxay ka hadli waayeen meel ka dhac loo geystay Abwaan Shube oo isagoo da’yar qaranka u soo shaqeeyay, haddana weli u shaqeeya isagoo gaaray da’ hawlgab. Waxaan rajaynayaa in abwaannada Soomaaliyeed iswaansan doonaan oo raalli-gelin siin doonaan Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube, haddii kale rag farahooda oodkac lagu cunay ayay noqon doonaan.
Maxamuud Aadan Orgobbe, Garoowe.
You must be logged in to post a comment.