Ciidamada badda Puntland ee PMPF, ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmadow ee Gobollada Bari iyo Sanaag.
War ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas oo ka dhan ahaa Nabad-diidka laga fuliyay buuraleyda Calmadow.
Degaannada hawlagalkaas ka dhacay waxa kamid ah Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan.
Ciidamada difaaca Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka waday buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad halkaas oo ay ku dhuuntan Al-shabaab iyo Daacish.
PUNTLAND POST