
Ururada siyaasadda Puntland ayaa ka horyimid doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinkan Qardho, Eyl iyo Ufeyn.
Qoraal wadajir ah oo ururada siyaasada Puntland u direen madaxweynaha Puntland iyo guddiga doorashooyinka ayaa lagu caddeeyay dhowr sababood oo aan doorashada muddeysan u dhici karin.
Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada.
Sababaha kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran.
Ururada ka horyimid doorashada hordhaca, waxaa kamid ah ururka madaxweyne Deni hoggaamiyo ee KAAH, waxaana saxiixiisu ka maqan yahay Mideeye.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.