Puntland: Muran ka taagan xilka qaadis lagu sameeyay Taliye ciidan

Muran ayaa ka taagan dikreeto ka soo baxday Taliyaha Booliiska Puntland, Gen. Cabdi Yare Xasan Xuseen, taas oo xilka looga qaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Maxamed Finiin Yuusuf.

Dikreetada Taliye Cabdi yare, ayaa xilka looga qaaday Maxamed Finiin, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdifitaax Siciid Afrika oo kamid ah Saraakiisha Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo.

Wararku waxay sheegayaan, in Taliye Finiin uu diidanyahay xilka qaadista lagu sameeyay ,islamarkaana ku doodayo in aan hannaan sax ah loo marin, sidaas darteedna uusan xilka wareejinayn.

Finiin ayaa sidoo kale ku doodaya in madaxweynaha oo keliya uu xilka qaadis ku samayn karo, balse uusan Taliye Booliis awood sharci u layan arrintaas.

PUNTLAND POST