iska hor-imaad ka dhacay nawaaxiga tuulada SAAX-MAYGAAG

Rasaas xooggan ayaa maanta oo Axad ah laga maqlay nawaaxiga SAAX-MAYGAAG oo u dhexaysa tuulada Birta-dheer ee Gobolka Nugaal iyo degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Degaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa labada malayshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda Boocame iyo Birta-dheer, islamarkaana halkaas ku dagaallamay 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo.

Wararku waxay sheegayaan, in Rasaasta la maqlay ahayd labad ciidan oo sahan ah, kuwaas oo iska helay miyiga u dhexeeya SAAX-MAYGAAG iyo SANGE-JEBIYE, inkastoo aan khasaaraha ka dhashay la ogayn.

Waxa xusid mudan, in ay shaqayn waayeen go’aanno kala duwan oo Puntland ka soo saartay, si loo xakameeyo colaadda degaankaas oo ku salaysan muran dhuleed.

PUNTLAND POST