
Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii Gobolka Cayn Guuleed Maxamed Nuux (Guuleed san-weyne).
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiyaha cusub ee Gobolka Cayn lagu magacaabay Cabdifitaax Ciise Maxamed (Raawe).
Dikreetada ayaaa loo cuskaday tala-soo jeedin ka timid wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland iyo xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Cayn.
Guuleed San-weyne ayaa xilka hayay mudda sannad iyo sideed bilood ah kadib markii madaxweyne ku xigeenku magacaabay 4-tii December 2019.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.