
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay nawaaxiga tuulada Saax-maygaag oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame.
Sida la sheegay laba Sahan ayaa iska helay miyiga lagu magacaabo Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-maygaag halkaas oo iska hor-imaad kooban ka dhacay.
Degaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba malayshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda Boocame iyo Birta-dheer.
28-kii bishii tagtay ee Luuliyo ayay labada dhinac ku dagaallameen tuulada Saax-maygaag waxaana weli is hor-fadhiya dhinacyadii dagaallamay.
Sidoo kale waxa dhaqan-geliwaayay go’aanno kala duwan oo Puntland ka soo saartay si loo xakameeyo colaadda degaankaas oo ku salaysan muran dhuleed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.