Dagaal culus oo ka dhacay Qansaxdheere

Wararka ka imaanaya degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus halkaas ku dhexmaray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan weerar ku qaaday saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin degaanka Qansax dheere waxaana halkaas dagaal xooggan ku dhexmaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay iska difaaceen weerarka inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaallantay.

Xaaladda degmada Qansaxdheere ayaa saaka deggan kadib markii dagaallamayaasha Al-shabaab isaga laabteen islamarkaana dib ugu gurteen dhulka miyiga ah.

PUNTLAND POST