Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa ka codsaday dadka ganacsiga ku leh laamiga dhinacyadiisa in aysan maanta furin goobahooda ganacsiga inta laga hubinayo bed-qabkooda.
Qayba kamid ah laamiga weyn ee Garoowe ayaa shalay dadkii marayay sumoobeen kadib markii booyad halkaas martay kiimiko kaga daadatay.
“Waxaan ka codsanaynaa dadka ganacsiyada ku leh laamiga dhinacyadiisa inaysan furin goobohooda ganacsi berri, inta laga hubinayo bedqabkooda” ayuu yiri duqa caasimadda.
Sidoo kale wuxu sheegay in uu isbitaalka ku booqday shan qof oo ku sumoobay kiimikada kuwaas oo xaaladooda caafimaad ka soo ranayso.
PUNTLAND POST