Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay xiriir iyo wadatashi wax ku ool ah la furtay Taalibaan, kadib kulan dhex-maray wakiilo ka socday kooxda iyo safiirka Shiinaha ee Kabul.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda China, Wang Wenbin ayaan wax faah-faahin oo intaas dheer ka bixin wada-hadallada oo Talaadadii dhexmaray ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan Abdul Salam Hanafi iyo danjire Wang Yu.
Hase yeeshee waxa uu sheegay in China ay Kabul u aragto “masrax iyo marin muhiim ah in labada dhinac ay kaga wada-hadlaan dhammaan arrimaha.”
China ayaa bishii tegtay wada-hadallo ku marti-gelisay wafdi uu hoggaaminayey hoggaamiyaha Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar, kahor inta aysan kooxda la wareegin Kabul.
PUNTLAND POST