
Qarax ayaa maanta oo Khamiisa ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, halkaas oo kumanaan qof ay ku soo qulqulayeen iyagoo isku dayaya inay ka cararaan qabsashada Taliban ee Afghanistan.
Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa is-miidaamin waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby, welina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay weerarkaas, balse warar laga soo xigtay saraakiil Taliban ah waxay sheegayaan in ugu yaraan ay ku dhinteen 11 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalyahannada Taliban ayaa ilaalo ka hayey xayndaabka garoonka diyaaradaha Kabul, xiliga qaraxu dhacay.
Wadamada reer Galbeedka ayaa maalmo ka hor ka digay weerar ka dhaca garoonka Kabul, iyagoo shacabka uga digay inay ka fogaadaan halkaas.
11 maalmood gudahood tan iyo markii Taliban qabsatay Kabul, Mareykanka iyo xulafadiisu waxay Kabul ka daadgureeyeen in ka badan 88,000 oo qof.
Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duulayaan qiyaastii 39 daqiiqo kasta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.