
Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug.
18 gaari oo nooca dagaalka ah iyo saanad ciidan oo laga qabsaday ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa Al-shabaab ku soo bandhigtay warbaahinta taageerta.
Agabkan ciidan ayaa kooxdu ku qabsatay dagaal maalin ka hor ka dhacay degaanka Cammaara ee Gobolka Mudug sida ay sheegtay warbaahinta ururkaas.
Al-shabaab ayaa Talaadadii todobaadkan weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadday degaanka Cammaara ee koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo ay mudda kooban la wareegtay.
Halkaan ka eeg qaar kamid ah sawirada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.