Jabiye: “Waxaa ka dhisi doonaa Qardho cisbitaal qaalliin oo ku kacaya $10 Milyan”

Maxamuud Khaliif Xasan oo loo garan ogyahay Jabiye ayaa sheegay in ay dhawaan Qardho ka dhisi doonaan cisbitaal weyn oo fuliya qalliinada waaweyn.

Jabiya ayaa tilmaamay in cisbitaalkaas uu ku kacayo aduun lacageed oo dhan $10 Milyan, waana mid sida uu sheegay looga maarmi doono qalliinada reer Pubtland u aadaan dalka dibadiisa.

“Waxaan ugu bishaaraynayaa bulshada reer Puntland si gaar ah shacabka Qardho in hada aanu gacanta ku hayno mashruuc aad u wayn oo lagu dhisaayo Hospital (Referral Hospital ) ee fuliya qalliinada waawayn ee loo aadi jiray dalka dibadiisa” ayuu Jabiye ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

“Mashruucaan waxaa ku kacaya qiima dhan $10M waxaana looga maarmi doonaa dhaqaalihii tirada badnaa ee uga bixi jiray bulshada reer Puntland safaradda dhaadheer” ayuu ku daray.

Jabiye oo ah ganacsade iyo siyaasi ayaa ka mid ahaa musharaxiintii madaxtinimada Puntland u tartamay 2019, wuxuuna caan ku yahay ka qeybqaadashada arrimaha bulshada.

Jabiya ayaa hadda ah guddoomiyaha ururka Caddaalad iyo Sinnaan oo ka mid ah ururada siyaasada Puntland.

PUNTLAND POST