
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan ee Puntland Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa si kulul ugu dhaliilay xukuumadda madaxweyne Deni arrimo ay kamid yihiin dekadda Boosaaso, dimuqraadiyadda Puntland iyo doorashadii Aqalka Sare.
Jabiye oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Qardho ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ku fashilmatay wax ka qabashada dekadda Boosaao oo maraysa heer ciida looga saaro Cagaf, kadib markii uu xirmay ilinka iyo meelaha uu ku xirto gaadiidka badda.
Wuxuu tilmaamay in xukuumadda Somaliland ay ka wanaagsan tahay tan Puntland, wuxuuna isbarbardhig ku sameeyay dekadaha Boosaaso iyo Berbera iyo sida ay labada maamul ula kala macaamileen shirkadda DP World.
Dhanka kale wuxuu ku eedeeyay xukuumadda in aysan ka go’nayn hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland, isagoo tusaale u soo qaatay miisaaniyadii 2020-kii dowladda u qoondaysay barnaamijkaas oo aan weli la bixin, taas oo ahayd 1.4 Milyan.
Sidoo kale Jabiye ayaa qaabkii uu madaxweyne Deni u maamulay doorashadii Aqalka Sare ku tilmaamay mid ceeb ku ahayd Puntland oo muujinaysa sida uusan madaxweynuhu kalsooni ugu qabin shacabka iyo baarlamaanka.
Hoos ka daawo Jabiye oo arrimahaas ka hadlaya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.