Puntland: Haylaan oo ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada

Gobolka Haylaan ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 4-3 uga adkaaday Nugaal, ciyaar waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbardhac min labo gool.

Goolhayaha da’da yar ee Liibaan ayaa ahaa halyeeygii Haylaan ka caawiyay inay hantaan horyaalkoodii kowaad ee Puntland, isagoo riigoorooyin ka badbaadiyey ciyaartooyda Nugaal ee Ceelow iyo Kaarloos.

Haylaan ayaa martigeliyaha Nugaal oo difaacanayay tartanka ku hor garaacay kumanaan taageerayaashiisa ah oo ku sugnaa gegida lagu fidiyay cowska macmalka ah ee Mire Awaare.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Carab ayaa Haylaan guddoonsiiyay koobka gobolada Puntland, waana koobkii siddeedaad ee Puntland tan iyo 1998.

Ciyaaryahanka Injineerka oo weerarka uga ciyaarayay Nugaal ayaa ku guuleystay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka, halka Baxwal Jirde oo Sanaag u ciyaarayay uu ku guuleystay gooldhalinta tartanka.

Macallinka Haylaan Maxamed Cabdalle oo ahaa tababarihii ugu da’da weynaa tartanka ayaa isna ku guuleystay macallinkii ugu wanaagsan tartanka, halka goolhayihii ugu fiicnaa uu ku guuleystay goolhayaha da’da yar ee Haylaan, Liibaan.

Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degayaa deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan xarunta gobolkaas ee Dhahar iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland.

PUNTLAND POST