Puntland: Agaasimihii wasaaradda Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale oo shaqada laga joojiyay

Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland, ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaraddaas.

Warqad ka soo baxday Guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa shaqada looga joojiyay mas’uuliyiinta kala ah; Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Mahad Colaad Maxamed, Xisaabiyaha Wasaaradda Axmed Jaamac Geelle iyo Madaxa Maaliyadda, Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Hanti-dhawrka ayaa warqaddiisa ku sheegay in uu baaris ku wado Wasaaradda Waxbarashada Puntland, islamarkaana natiijada hordhaca ah ay muujinayso in ay jirto lunsasho hanti dadweyne, sidaas darteedna shaqa-joojin loogu sameeyay mas’uuliyiintaas.

Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa shalay shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorshaynta Puntland oo ay ku jiraan Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Shire Faarax, Agaasimaha Waaxda Deeqaha Maxamed Cali Ciise iyo Cabdirisaaq Axmed Muuse oo ka tirsan Xafiiska diiwaan-gelinta NGO’ska.

Hoose ka akhriso warqadaha

PUNTLAND POST