Labo ciyaartooy oo walaalo ah oo isaga hor imanaya kama-dambaysta ciyaaraha Puntland

Cabdisalaan Dheemanka (bidix) iyo Cabdicasiis Diida (midig)

Waxaa galabta la soo gabagabaynayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd, waxaana ciyaarta kama-dambaysta (final-ka) dhexmari doontaa gobolada Nugaal iyo Haylaan.

Waa ciyaar aad loo wada sugayo oo xiiso badan, gobolka Nugaal ayaa doonaya in uu markii saddexaad oo xiriiir ah qaado tartankan, halka gobolka Haylaan uu rabo in uu markii ugu horreysay ku guuleysto tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd.

Labada gobolka ayaa horey isugu soo arkay heerkii bug-baxa ama guruubyada, waxaana markaas 2-0 ku adkaaday Nugaal, balse ciyaartan ayaa ka duwan tii hore, maadaam ay tahay kama-dambays.

Waxyaabaha xiisaha leh ee laga xusi karo kalanka kama-dambaysta ciyaaraha gobolada Puntland, waxaa ka mid ah labo ciyaartooy oo walaalo ah oo u kala safan doona labada gobol.

Cabdisalaan Cabdullaahi Salaad (Dheemanka) ayaa dhanka weerarka uga dheelaya gobolka Haylaan, halka walaalkii ka weyn Cabdicasiis Cabdullaahi Salaad (Diida) uu dhanka difaaca uga dheelayo gobolka Nugaal.

Ciyaaryahanka Dheemanka oo ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiisan Haylaan, ayaa markii hore kamid ahaa ciyaartooy loo soo xulay Nugaal, balse markii dambe laga reebay liiska ugu dambeeya.

Dheemanka ayaa hadda ah ciyaartooyga ay ka cabsi qabto Nugaal in uu taabto shabaqeeda, maadaama uu yahay ciyaaryahan ciyaar yaqaana.

PUNTLAND POST