
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta 15 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday, Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo ku eedaysan kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo Daacish.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020.
sidoo kale, waxay ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda
Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish.
Ugu dambayntii, Maxkamadda ayaa ku xukuntay 15 sanoo xabsi ciidan, isagoo fursad loo siiyay 30 cisho ah oo Rafcaan qaadasho ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.