
Midowga Musharaxiinta ayaa ka soo horjeestay habraactadii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta oo warbaahinta uu u akhriyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu faahfaahiyay mowqifkooda go’aanada shirkii Golaha Wadatashiga, iyaga oo sheegay in awoodii doorashada gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada.
Dhanka kale madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay kadib go’aanka musharaxiinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada Dadban ee dalka laga yareeyo culeyska oo la fududeeyo, lana caddeeyo qorshaheeda.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in 135 Oday dhaqameed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana shakiga laga bixiyo cida soo xuleysa ergooyinka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.