Goormuu dhici doonaa kulanka kama-dambaysta Tartanka Ciyaaraha Puntland?

Xulka gobolka Haylaan ayaa tagay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 5-4 uga adkaaday xulka Mudug, ciyaar waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbardhac 1-1.

Waa markii ugu horreysay oo xulka gobolka Haylaan uu tago kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo la qabtay siddeed jeer tan iyo 1998.

Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degay deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan waxaa si weyn loo dabaal-degay magaalada xarunta ah ee Dhahar.

Xulka Haylaan ayaa kulanka kama-dambaysta (final-ka) wajihidoona xulka Nugaal oo markii saddexaad oo xiriir ah yimid kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland.

Kulanka kama-dambaysta ayaa dhici doona maalinta Talaadada ee taariikhdu ku beegan tahay 24 Agoosto 2021, sida ay shaacisay wasaaradda ciyaaraha Puntland.

PUNTLAND POST