Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo u baxday Final-ka



Xulka Nugaal ayaa u baxay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu galabta kulankii afar dhamaadka 4-2 ugu awood sheegtay xulka Cayn.

Ciyaaryahanka Injineerka ayuu ahaa halyayga xulka lagu naynaaso ‘Fardaha’ gaarsiiyay kama-dambaysta, isagoo dhaliyay saddex ka mid ah goolasha, halka Naani dhaliyay gool cajiib ahayd oo uu la dhaafay gool-hayaha Cayn.

Dhanka kale xulka Cayn oo soo bandhigay kubbad qurux badan waxaa labada gool u dhaliyay ciyaaryahanka Khaalid Leo oo ka mid ah ciyaaryahanada ugu gool-dhalinta badan tartanka.

Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo xulka Nugaal tiigsado kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, 2012 iyo 2014 ayuu ku guuleystay tartankan.

Xulka Nugaal ayaa hadda final-ka ku sugaya midkood xulalka Mudug iyo Haylaan oo berri wada ciyaari doona.

PUNTLAND POST