
Waxaa maanta xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdiaho ka furmay, shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Shirka waxa ka qayb-galaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, dhammaan madaxda dowlad goboleed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominaya kulankan, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qodobada Shirka looga hadlayo waxa kamid ah diyaarinta habraacyada doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.