
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Agaasimeyaal guud oo cusub u magacaabay Wasaaradaha Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha iyo Amniga iyo DDR-ta
Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha, Axmed Tigaana Cabdalla oo muddo dheer hayay xilkaas, wuxuuna u magacaabay Jaamac Xasan Cabdule.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta u magacaabay Maxamed Imaan Cabdulle, oo xilkaas muddo kusime u hayay.
Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.
- Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
You must be logged in to post a comment.