
Maamulka Somaliland ayaa caawa Hargeysa ku xiray Cabdi Jamaal Cismaan oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland.
Cabdi Jamaal oo socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ayaa ciidamo sirdoon ah kala baxeen guri uu ku sugnaa.
Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in xariga Cabdi Jamaal uu ka dambeeyay mas’uul ka tirsan Somaliland oo ay is-xifaaleeyeen.
Cabdi Jamaal ayaa Puntland ka soo noqday xildhibaan iyo wasiir, wuxuuna ka mid ahaa 8-dii mudane ee sanadkii hore xilka laga qaaday.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.