
Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in kantaroolka Boosaaso lacago lagaga qaado dadka ka imaanay magaalooyinka kale.
G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas la xiriira in kantaroolka Boosaaso lacag lagaga qaado dadka soo geliya magaalada, si looga baaro xanuunka COVID-19.
Taliyaha ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaas, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu ogaado in ay faafisay wararkaas been-abuurka ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.