Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka qabsadeen laba saldhig oo ku yaalla degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Warbaahinta Al-shabaab, ayaa sheegtay in weerar culus oo saaka Al-shabaab ku qaadday degaanka Sabiib ay cagta mariyeen laba saldhig oo ciidamada dowladdu ku sugnaayeen.
Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa lagu laayay askar ka tirsan Ciidamada dowladda, waxaana labada saldhig la wareegay dagaallamayaasha kooxda sida ay tebisay warbaahinta Al-shabaab.
Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab, iyadoo dowladdu aysan weli ka hadlin arrintan.
PUNTLAND POST