Puntland oo lacag ku dhow 1 Milyan siisay shirkad ay u xirnayd wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Wasaaraadda Maaliyadda Puntland ayaa maanta shirkadda Isxilqaan oo ay u xirnay qeyb kamid ah wadada Garowe iyo Gaalkacyo siisay lacag dhan $750.000.

Lacagtan ayaa la sheegay in ay kamid tahay $1,800,000 oo shirkadda ka galay wadada u dhexaysa Jalam iyo Xarfo, halka inta kalana Wasaaraadda Maaliyadda saxiixday in ay bil walba bixinayso $150.000.

Shirkadda Isxilqaan oo wadadu u xirnayd muddo ku dhow 4 sano ayaa hadda banaynaysa, waxaana tartan cusub loo geli doonaa dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo.

Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda iyo mid kamid ah madaxda Isxilqaan..

Mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo maalgelinayay Midowga Yururb oo wakiil u ahayd hay’adda GIZ ee Jarmalka ayaa istaagay 2018, markii uu hareeyay musuqmaasuq.

Balse dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni iyo Midowga Yurub ayaa kawada xaajooday dib u bilaabista mashruuca, iyadoo la isku afgartay in la saxo wixii khaldamay.

Midowga Yurub ayaa hadda mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo u wakiishay hay’adda UNOPS.

PUNTLAND POST