Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda hay’adda UNHCR

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNHCR u soo magacowday Soomaaliya.

Wakiilka hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR Magatte Guisse iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Deni.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa isbarasho iyo is xogwarwysi.

Madaxtooaydu waxay sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda Qaxootiga ku nool Puntland, dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo horumarinta Mashaariicda UNHCR ka wado Puntland.

PUNTLAND POST