Dib u dhac ku yimid Shirkii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho

Waxa dib u dhac ku yimid shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo maanta loo ballansanaa in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Shirka waxa ku ballansanaa madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu weheliyo maamulka gobolka Banaadir.

Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay diyaarinta habraaca doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha ka dhiman hirgelinta doorashooyinkaas.

Sida wararku sheegayaan dib u dhaca waxa keenay Ra’iisul wasaare Rooble oo safar ku maqan iyo madaxda dowlad goboleedyada oo aan weli tegin Muqdisho.

PUNTLAND POST