
Dabley hubaysan oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa caawa degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ku dilay Guddoomiyihii degmadaas Maxamed Axmed Muumin.
Kooxda oo weerar ku soo qaaday degaanka ayaa gudaha u galay degmada Balli-dhidin halkaas oo ay maalmo ka hor ka baxeen ciidamadii Puntland ee ku sugnaa sida ay sheegeen Goob-joogayaal.
Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Puntand ee Gobolka Bari oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhacdadaan inkastoo ay xaqiijiyeen dilka Guddoomiyaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.