Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah, ayaa ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegayin ay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah.
Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga helay Xeebaha dalka Mauritania, kuwaasi oo kala ah 6 Haween iyo hal Nin iyadoo 4 ka mid ahna ay xaalladooda aad u liidato.
Muhaajiriinta la socotay Doonidaasi waxay ka soo kala jeedaan dalalka Mali, Senegal, Mauritania, Ivory Coast iyo Gini.
PUNTLAND POST