Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa diiday habraacii Doorashada Golaha Shacabka ee shalay baxay Guddiga doorashada heer Federaal.
War-saxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa lagu sheegay in aan la isku raacsaneyn habraacii lasoo saaray, iyagoona shaaciyay in habraacyada aysan ahayn kuwo sax ah.
Xubnahaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashada ee uu hoggaamiye Guddoomiye Maxamed Xasan Ciro ay soo saareen habraac aan waafaqsaneya wadajirka Guddiga.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.