Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa ka dhacay degaanka nawaaxiga Baar-sanguuni, oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.
Wararku waxay sheegayaan, in Ciidamada Jubaland ay weerar xooggan ku qaadeen rag ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa aga’gaarka Baar-sanguuni, halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaare gaystay.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab, ayaan weli faahfahin dhammaystiran laga helin, iyadoo labada dhinac uusan midna weli ka hadlin dagaalkaas.
Ciidamada Jubaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxay ka wadeen degaanno ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose.
PUNTLAND POST