Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa soo saaray habraaca iyo shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada Golaha Shacabka ee 2020/2021.
Guddigu wuxuu sheegay in kursi kasta ee ka mid ah 275-ta kursi uu yeelanayo guddi shan xubnood ah oo soo xula 101 ergo ee dooranaya xildhibaanka.
Xubnaha soo xulaya ergada waxaa la sheegay in uu soo magacaabayo isinka ama duubka ugu sareeya dhaqanka beesha kursiga, isagoo la tashanaya Nabadoonnada/Caaqillada.
Sidoo kale waxaa la sheegay in guddiga xulista ergada uu ka koobnaan doono oday-dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.
Guddigu wuuxuu tilmaamay in beel ama jifo kasta ee wadaagta kursi, xulista ergada ku matalayaan 3 oday-dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo (2) wakiil oo ka socda bulshada rayidka ee beeshaas oo mid ka mid ah ay tahay haween.
Kuraasta Somaliland ayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal sheegay in ay yihiin ergo wadaag.
Guddigu wuxuu xusay in uu hubanayo in qeybaha kala duwan ee bulshadu u dhanyihiin doorashada kursi kasta oo ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka
Guud ahaan tirada ergada ka qayb-qaadanaysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka 2020/2021, waa 27,775 ergey.
Hoos ka akhariso habraaca iyo shuruudaha oo dhameystiran







PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.