Afarta mas’uul oo ka mid ahaa maamulka Banaadir ee sanadkan halka deegaan lagu dilay

Qarax maanta oo Talaado ahayd ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay guddoomiyihii deegaankaas Maxamed Abuukar Afrax.

Qaraxa ayaa sida la sheegay ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo lala beegsaday gaari uu saarnaa guddoomiyaha oo marayay inta u dhaxaysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, gaar ahaan waaxda Foorilow.

Waa guddoomiyihii labaad ee deegaankaas ee sanadkan qarax lagu dilo, 21 bishii Maajo 2021 ayaa sidaan oo kale qarax lagu dilay guddoomiyihii kan ka horreeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare.

Sidoo kale 19 Jannaayo 2021 waxaa qarax lagu dilay guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaaley Cali Maxmed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Dubbad.

Dhammaan weerarada lagu dilay mas’uuliyiinta Garasbaaley waxaa sheegtay ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.

Deegaanka Garasbaaley ayaa sanadkan noqday meesha ugu badan gobolka Banaadir ee qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ka dhacaan.

PUNTLAND POST