Urur siyaasadeedka lagu magacaabo Run iyo Caddaalad oo ka dhisan Puntland ayaa sheegay in ay ku biireen 23 xubnood oo ka baxay urur siyaasadeedka Mideeye.
Qoraal wargelin ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha urur siyaasadeedka Run&Caddaalad, Maxamuud Maxamed Ciise ayaa lagu xaqiijiyay in ururka ay ku biireen 23 as’aase oo ka yimid Mideeye.
Sidoo kale, dhammaan mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha Run iyo Caddaalad ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan shir ballaaran oo ururku qabsanayo 23 Agoosto 2021.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.