Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanka Goofgaduud Shabeeley oo ka tirsan Gobolka Baay.
Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheikh Cabdullaahi (Ciirow), ayaa warbaahintu ka soo xigatay in Al-shabaab laga saaray degaanka Goofgaduud Shabeeley, kadib weerar qorshaysan oo Ciidamadu halkaas ka fuliyeen.
Taliye Ciirow, ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas Al-shabaab looga dilay ilaa 9 dagaallame, islamarkaana laga burburiyay saldhig ay ku lahaayeen degaankaas.
Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay, sheegashada Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku saabsan in Al-shabaab laga saaray degaanka Goofgaduud Shabeeley.
PUNTLAND POST