Heshiis ay wada-galeen Imaraadka iyo Israel oo dib u eegis lagu bilaabay

Heshiis shidaal oo qarsoodi ah, oo sanadkii hore ay galeen Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ahaa soo celinta xiriirka labada dal, ayaa hadda halis ugu jira inuu burburo.

Heshiiska ayaa ku saabsan dhuun shidaalka kasoo qaadeysa Imaaraadka, islamarkaana marsiineysa xeebta Eilat ee Israel, si ay u geyso suuqyada Yurub.

dowladda cusub ee Israel ay dib u eegis ku billowday heshiiskan taas oo ka caraysiisay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ra’iisul wasaare Naftali Bennet ayaa weydiistay maxkamadda sare ee Israel waqti dheeri ah oo ay uga jawaabaan cabqadaha deegaan ee hareeyey heshiiska.

PUNTLAND POST