Wararkii ugu dambeeyay ee Kabul


Dagaalyahanada Taliban ayaa gudaha u galay xarunta madaxtooyada Afghanistan saacado kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Hoggaanka kooxda, oo ay hareereeyeen daraasiin dagaalyahanno hubaysan, ayaa warbaahinta kala hadlay kurisga awooda dalka.

Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka uga tagay si uu uga baaqsado dhiig daata.

“Ghani wuxuu u baxay si looga fogaado isku dhacyada Taliban oo qatar gelin doonta malaayiin qof oo reer Kabul ah, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Ma uusan shaacin meesha uu hadda joogo, balse wararku waxay sheegayaan in uu u duulay dalka Tajikistan.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Taliban ayaa u sheegay Al Jazeera, in cafis la siin doono kuwii la shaqeynayay dowladda iyo milateriga ay reer galbeedka taageerayeen.

Taliban ayaa xabsiga Pul-e-Charki oo ku yaala duleedka Kabul ka siidaayay ku dhawaad ​​5,000 oo maxbuus oo ay ku jiraan Daacish hore iyo dagaalyahanno Al-Qaacida ah. Xasiga ayaa ku dhexyaalay saldhigga cirka ee Bagram, kaas oo ciidamada Mareykanka markii ay baxayeen ku wareejiyeen ciidamada dowladda Afghanistan.

Laga soo bilaabo duulaankii uu Mareykanku hogaaminayay ee Afghanistan sanadkii 2001, Mareykanku wuxuu tababaray kumanaan ciidamada amniga Afghanistan ah, kuwaas oo hadda qaarna ku biiray Taliban, kuwana kala carareen.

Taliban ayaa dib ula wareegtay awoodda Afghanistan ​​20 sano kadib markii ay ka saareen ciidamadii uu horkacayay Mareykanka, waxaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan dowlad islaamiya.

PUNTLAND POST