
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19-ka bishan Ogoosto.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono u diyaar-garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Warkan ayaa laga soo saaray kulan ay caawa habka fogaan aragga (internet-ka) ku yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad ģoboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay dowlad goboleeyada in ay dardargeliyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac, loona gaaro jadawalka doorashooyinka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.