Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay ka dhacdo doorashada Saddex kursi oo ka harsan Sideeda kursi ee Aqalka Sare ku matala dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Labadii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay Shan kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed, waxaana Maanta lagu wadaa in la dhameystiro 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare.
Ilaa lix Musharax ayaa Maanta ku tartami doona Saddexda Kursi ee doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Baydhabo, kuwaas oo marka hore khudbadahooda musharaxnimo jeedin doona, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2: Cali Sheekh Maxamuud Gacal
Cabdiqadir Cabdi Axmed
3: Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade).
Cabdullaahi Roobow Maxamed
PUNTLAND POST